DHAGEYSO: Eedeyn loo jeediyay IGAD

Sh/Dhexe-RisaalaFM- Qaar ka mid ah Waxgaradka Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegay in Urur Goboleedka IGAD uu fara gelin toos ah ku hayo shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Waxa ay sidoo kale sheegeen in ay aad ugu xun yihiin qaabka ay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Urur Goboleedka IGAD ay howsha maamul u sameynta u wadaan.

Waxa ay sidoo kale sheegeen in loo baahan yahay in shaqada loo Madax banaaneeyo Odayaasha dhaqanka ee Gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Waxgaradka Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sidoo kale sheegay in aysan aqbali doonin fara gelinta ay ku heyso Urur Goboleedka IGAD islamarkaana arintaasi ay tahay mid xad gudub ah.

Shalay ayay aheyd markii Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Urur Goboleedka IGAD ay gaareen Magaalada Jowhar ee Gobolka shabeelaha Dhexe, halkaas oo ay taalo gogosha shirka Maamul usameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.