Guddoomiyaha gobolkan Banaadir ahna duqa Magalada Muqdisho Eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa si kulul uga jawaabay askari Maanta Darawal Mooto Bajaajle ahaa ku dilay degmada Waaberi.
Guddoomiye Yariisow ayaa sheegay in falkaasi dilka ah uu Maamulka gobolka Banaadir uu cambaareynayao,waxaanba ciidamada Amniga uu ku amray in lasoo qabto askrigii dilka geystay oo ka tirsan Ciidamada kuwa Canshuurta qaado laguna Magacaabo Maxamed Deeq Cabdi Aadan.
“Marnaba ma aqbali karno in dhalinyaradeena bajaajta wada in si macnadaro ah loo dilo si kasta oo looga rabo khidmadii dowladda,waxaana bulshada Soomaaliyeed u cadeynayaa in Shaqsiga dilka geystay lasoo qabanayo cadaaladana la horkeeni doono.
Markii uu dhacay dilka Darawalka Mooto Bajaajlaha ahaa ayaa waxaa Magalada Muqdisho qeybo ka mid ah ka bilaawday Banaanbaxyo ay dhigayeen Darawalada Mooto Bajaajta,kuwaas oo qaarkood xirtay Isgoysyo Waaweyn oo ku yaalla Muqdisho.



