Garowe-RisaalaFM- Agaasimihii hore la dagaallanka Burcad-badeeda Puntland, Cabdirasaaq Maxamed Dirir Ducaysane ayaa maanta ka hadlay xilka qaadistii uu ku sameeyay Madaxweyne Cabdiwali Maxamed Cali (Gaas), isagoo dalka ka maqan.
Ducaysane oo warbaahinta kula hadlay magaalada Garowe, ayaa faah faahin ka bixiyay wax-qabadkiisa oo kasoo bilaabanayay xilligii dowladdii AUN Madaxweyne Cadde Muuse Xirsi, wuxuuna sheegay inuu door-weyn ka qaatay sidii bulshada qurbaha ku nool la isugu xiri lahaa islamarkaana magaca Puntland loo gaarsiin lahaa America.
Eedayn kala duwan ayuu usoo jeediyay Madaxweyne Gaas oo ku dhaliilay inuu ka gaabiyay shaqada xafiiskan hadii ay ahaan lahayd kharashaadkii uu ku shaqayn lahaa, kiradii iyo korontada intabada, wuxuun taas badalkeeda xusay inuu xafiis ka dhigtay gurigiisa sida uu hadalka u dhigay Agaasimuhu.
Wuxuu sidoo kale tilmaamay in Gaas uu ka gaabiyay talo soo jeedin ku aadan in magaca xafiiskan la badalo maadama ay dhammaatay burcaddii, islamarkaana hadda ay jiraan falal kale oo la xiriira amniga badda iyo jariifka.
Cabdirasaaq Maxamed Dirir Ducaysane, ayaa sidoo kale Sharci darro ku tilmaamay xil ka qaadista uu ku sameeyay Madaxweynaha, maadaama sida uu hadalka u dhigay Dastuurku uusan qabin in Madaxweynaha oo maqan xilka ka qaadis sameeyo isagoo uu joogo ku-xigeenkiisa oo shaqadaas looga baahnaa.
Ducaysane, ayaa xilkan loo magacaabay Augusto, 2010 inkastoo uu lasoo shaqeeyay xukuumadihii kala duwana ee Puntland soo maray qaybtood.


