DHAGEYSO: Dowladda Soomaaliya oo xirtay Wariyeyaal

Dowladda Soomaaliya ayaa xabsiga dhigtay Wariyeyaal ka tirsan Tv-Ga Caalamiga ah ee Al-jazeera sida ay warbaahinta u sheegeen Madax ka tirsan ururkka Saxafiyiinta Qaranka Soomaaliyeed.

Wariyeyaasha la xiray ayaa waxaa ka mid ah Xamze Maxamed iyo sidoo kale Sawir qaade la socday.

Ciidanka Nabad suggida Soomaaliya la sheegay in wariyeyaasha ay kasoo qabtay duleedka Magaalada Muqdisho , xilli ay doonaayeen in ay soo galaan Magaalada .

Xoghayaha Ururka NOSOJ Maxamed Ibraahim Mocalimuu ayaa sheegay in ay hayaan xogta ku aadaan in la xiray Wariyeyaasha .

Mocalimuu ayaa dowladda Soomaaliya ugu baaqay in ay xoriyadooda ay siiso wariyeyaashaasi.