Dowladda Soomaaliya ayaa bilihii ugu dambeeyay Xabsiga dhigtay dad badan oo loo heysto Eedeymo la xariira Musuq maasuq sidda ay sheegeen Mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya.
Dadkaan ayaa qaarkood waxa ay yihiin Mas’uuliyiin Sare oo dowladda ka tirsan, Saraakiil Ciidan iyo shaqsiyaad kale.
Xeerilaaliyaha Qaranka Axmed Cali Daahir ayaa warbaahinta u sheegay in uu wali socdo howlgal ballaaran oo dowladda dhexe ee Soomaaliya ay kula dagaallameyso Arrimaha la xariira Musuq maasuqa.
Waxaa uu sheegay in dhammaan Hay’addaha kala duwan ee dowladda ay ku socdaan baaritaano si looga hortaggo in Musuq ay geystaan Mas’uuliyiinta dowladda.



