Dowladda Soomaaliya ayaa wakiilada beesha caalamka u Jooga Soomaaliya waxa ay kala hadashay arimo ay ka mid yihiin doorashooyinka lagu wado in ay dalka ka dhacaan bilaha fooda nagu soo haya.
Wakiilada Beesha caalamka u fadhiya Soomaaliya iyo dowladda Soomaaliya ayaa si qoto dheer uga wada hadlay doorashooyinka lagu wado inay dalka ka dhacaan , waxaana wakiilada beesha caalamka ay balan qaadeen in ay taageeri doonaan dowladda Soomaaliya.
Wasiir dowlaha wasaaradda arimaha gudaha Soomaaliya Cabdirashiid Xidig ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale wakiilada beesha caalamka ay ka wada hadleen howlaha samafalka ee ka socda Soomaaliya iyo doorashooyinka.
Xidig ayaa sheegay in wakiilada Beesha Caalamka ay balan qaadeen in ay sare u qaadayaan xaqiijinta taageerada ay siinayaan dowladda Soomaaliya.


