Hey’adda socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya ayaa maanta joojisay Viisihii lagu tagayay wadanka Suudaan si loo yareeyo dhalinyarada Soomaaliyeed ee ka tagaya dalka.
Taliyaha hey’adda socdaalka iyo jinsiyadaha dowladda Soomaaliya General Gaafow oo maanta Muqdisho shirk u qabtay ayaa sheegay in maanta la joojiyay Viisihii lagu tagayay wadanka Suudaan iyo wadamada kale ee laga tahriibo.
Taliyaha ayaa dhanka kale waxa uu baaq ujeediyay maamulada ka jira dalka, waxaana baaqa uu ku saleysan yahay in la hubiyo dadka la siinayo Viisaha lagu aado dalalka laga tahriibo.
Hadalka Taliyaha hey’adda socdaalka iyo jinsiyadaha dowladda Soomaaliya General Gaafow ayaa imaanaya xilli dhalinyaro badan oo Soomaali ah ay ku waxyeeloobeen bada udhaxeysa dalalka Talyaaniga iyo Masar.


