Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa maanta daahfuray Imtixaanaadka dugsiyadda Sare ee dalka oo maanta ka bilaabmay gobolka Banaadir , iyo maamul goboleeyadda dalka jira.
Mas’uuliyiintii ka qeyb galay daahfurka Imtixaanka ayaa waxaa ka mid ahaa Wasiiro ka tirsan Xukuumadda iyo sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.
Wasiirka Wasaaradda waxbashadda dowladda Soomaaliya Cabdiraxmaan Daahir Cusmaan oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in sanadkaan dowladda Soomaaliya ay dadaal dheer ku bixisay in la qaado imtixaanaadka dugsiyadda Sare.
Wasiirka ayaa sheegay in ardayda Maanta imtixaanka u fadhiisatay ay dhan yihiin 23-kun, islamarkaana lagu gali doono 77 xarumood oo dalka oo dhan ku yaalla.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo dhankiisa hadalka qaatay ayaa waxaa uu sheegay in horumarka Soomaaliya ay qeyb ka tahay in arday badan ay imtixaanka u fadhiistaan.
Mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya ee Wasaaradda Waxbarashadda ayuu ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan caddaaladda ,islamarkaana si siman ay ardayda ugu shaqeeyaan.
Wasaaradda Waxbarashada ee Soomaaliya ayaa sheegtay in 23-kun oo Arday ay maanta u fariisanayaan Imtixaanka mideysan ee dugsiyada sare ee ku yaala koofurta iyo bartamaha dalka.



