Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay go’aanka ka soo baxay Maxkamada Caalamiga ah ee ICJ.
Xeer Ilaaliyaha ayaa sheegay in Soomaaliya ay guul u tahay go’aanka ay gaartay Maxkamada ICJ isla markaana ay rajeynayan in inta dhiman guul ay ku soo dhamaatay.
Xeer Ilaaliyaha ayaa sidoo kale sheegay in ay ka guuleysan doonaan Dowladda Kenya, Waxa uuna ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed in ay isdajiyaan.
Waxa uu sidoo kale sharaxaad dheeri ah ka bixiyay qaabkii shalay ay u dhacday go’aanka Maxkamada ICJ.
Shalay ayay ahayd Markii Maxkamada Caalamiga ah ee ICJ ay si rasmi ah u shaacisay in ay geli karto ama ay qaadi karto Dacwada Muranka badda ah ee u dhaxeeya Dowladdaha Soomaaliya iyo Kenya, Waxaana Dowladda Kenya ay horay u diidan in Maxkamada ICJ aysan qaadi Karin dacwada kala dhaxeysa Dowladda Soomaaliya ee la xiriirta badda.


