DHAGEYSO: Diyaarad Qaad siday oo ka degtay Jowhar

Jowhar-RisaalaFM- Ganacsatada qaadka ayaa bilaabay inay duulimaad toos ah qaadka ay ku geeyaan magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hirshabeelle, iyadoo qaadka markii hore laga qaadi jirey magaalada Muqdisho.

Diyaarada sidey qaadka ee soo gaartay magaalada Jowhar ayaa qaadkii ay sidey waxaa la geeyay magaalada Jowhar iyo degaanada ku dhow dhow, iyadoo qiimaha la iibinayay uu ahaa mid ka jaban qiimihii hore ee jaadka laga keeno caasimada dalka ee Muqdisho.

Qaar ka mid ah ganacsatada qaadka ee magaalada Jowhar ayaa waxa ay sheegeen in ay ku faraxsan yihiin in si toos ah qaadka uu ugaga yimaado dalka Kenya.

Maamulka Hirshabeelle ayaa doonaya haatan in uu abuuro ilo dhaqaale oo uu maamulka u madax banaan yahay, waxayna bilaabida keenista qaadka sida tooska ah loo keeno ay abuuraysaa in daqli uu ka helo maamulka.

Warbixinta warkan waxaa Magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeelaha Dhexe inooga soo diray Wariyaha Risaala ee Degaanada Hirshabeelle C/raxmaan Cali Deerey.