DHAGEYSO: Dilal qorsheysan oo ka dhacay Laas-caanood

Laas-caanood -RisaalaFM- Magaalada Laas-caanood ee Gobolka Sool xalay waxaa ka dhacay dilal qorsheysan, sida ay inoo sheegeen dadka Degaanka.

Koox ku hubeysan Bastoolado ayaa goobo kala duwan waxa ay ku dileen Labo Qof oo shacab ah, kuwaasi oo markii ay dilalka geysteen ka baxsaday goobta.

Dadka Degaanka ayaa Idaacadda Risaala ee Magaalada Muqdisho waxa ay u sheegeen Labada Qof ee la dilay oo Rag ah in lagu kala magacaabi jiray C/xakiin Ducaale iyo Jaamac Cabdi.

Ma jiraan ilaa iyo hada cid loo soo qab qabtay dilalka siyaabaha kala wudan uga dhacay Magaalada Laas-caanood ee xarunta Gobolka Sool.

Saraakiisha Ciidanka Booliska Magaalada Laas-caanood ayaa waxa ay wadaan baaritaano la xiriira sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa ragii ka dambeeyay dilalkan.

Warbixinta warkan waxaa Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug inooga soo diray Wariyaheena Maxamed Cali Siyaad.