Ra’isal Wasaare Ku Xigeenka Dalka Maxamed Cumar Carte ayaa kulan gaar ah la qaatay Hay’adda Garsoorka ee Dalka.
Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirka Cadaalada, Xeer Ilaaliyaha, Taliyaha Ciidamada Asluubta iyo Saraakiil kale oo ka tirsan Hayaddaha Garsoorka ee Dalka.
Kulanka ayaa waxaa looga hadlay sidii dib u habeyn loogu sameyn lahaa Hay’adda Garsoorka Dalka isla markaana loogu shaqeyn lahaa sidii dadka Soomaaliyeed ay u heli lahaayeen Cadaalad.
Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay sidii loogu wada shaqeyn lahaa in si hufan ay u shaqeeyaan Hay’adda Garsoorka Dalka.
Afhayeenka Xukuumada Soomaaliya C/Casiis Cabdi Xaaji Goobdoon oo kulanka ka dib la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in kulanka waxyaabihii looga hadlay in la isku fahmay oo lagu wada balamay dhaqan galkooda.


