Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa deeq dawo ah gaarsiiyay Isbitaalka Guud ee Magaalada Baladweyne oo ay jiifaan Bukaano badan.
Xildhibaanada ayaa warbixin ka dhageystay Maamulka Isbitaalka iyo dhaqaatiirta ka howlgasha.
Aamino Maxamed Cabdi oo ku hadleysay Magaca Xildhibaanada deeqda dawada ah gaarsiiyay Isbitaalka ayaa sheegtay in ay ku dadaalayaan sidii ay u dabooli lahaayeen baahida dadka dhibaateysan ee Isbitaalka ku jira.
Xildhibaanada ayaa sidoo kale sheegtay in dhamaan Xildhibaanada iyo Sanatarada ka soo jeeda Gobolka Hiiraan ay diyaar u yihiin in ay dadkooda ka warqabaan.
Waxa ay sheegtay in ay agabyo kale ay gaarsiin doonaan dadka bukaanada ah ee ku jira isbitaalka Guud ee Magaalada Baladweyne.
Isbitaalka Guud ee Magaalada Baladweyne waxaa ku jira oo jiifa 52 Bukaano oo cuduro kala duwan qaba.


