DHAGEYSO: Dastuurka Maamulka Hiiraan iyo Sh/Dhexe oo Maanta laga doodaayo

Wasaarada arimaha gudaha Soomaaliya ayaa sheegtay in Maanta la guda gali doono ka doodida dastuurka uu yeelanaya maamulka gobolada Hiiraan iyo sidoo kale Shabeelaha Dhexe loo dhisaayo.

Xoghayaha wasaarada arimaha gudaha Soomaaliya Yaxye Cali Ibraahim ayaa warbaahinta u sheegay in maanta si toos ah loo guda galaayo aqrinta cutubyada ku jira dastuurka Maamulka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Yaxye Cali Ibraahim ayaa sheegay in Ergooyinka loo kala qeybin doono koox si ay uga doodaan dastuurka maamulka Hiiraan iyo sidoo kale Shabeelaha Dhexe.

Ergada shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ayaa ansixiyay Qabyo Qoraalka dastuurka Maamulka uu yeelanayo, calanka iyo magaca loo bixinayo Maamulka Labada Gobol.

Mudooyinkii dambe waxaa cagajiid uu ka socday shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe, waxaana Wasaarada Arrimaha Gudaha ay dadaal ku bixineysaa sidi ay u dar dar gelin laheyd shirkan.