DHAGEYSO: Dagaallo ka dhacay gobolka Mudug oo xal laga gaaray

Maamulka Puntland ayaa sheegay in xal laga gaaray dagaal maalmo ka hor dhexmaray ciidanka Liyuu Boolis ee dalka Itoobiya iyo sidoo kale ciidanka Maamulka Puntland ee ku sugan gobolka Mudug.

Gudoomiyaha gobolka Mudug Xasan Maxamed Khaliif oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in ciidanka Liyuu Boolis meesha ay soo weerareen ay ka mid tahay dhulka Soomaaliya , islamarkaana aysan la heyn dowladda Itoobiya.

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in ay tageen goobihii lagu dagaalamay oo ay ka mid yihiin tuulooyinka Dudun iyo Xaran.

Waxaa uu xusay in lagu guuleystay in la xaliyo shaqaadadii dhexmartay ciidanka Puntland iyo sidoo kale Ciidanka dowlad degaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya.