Dagaalkaan oo geystay khasaaro kala duwan ayaa Kooxda la Magac baxday Macawiisleey iyo Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab waxaa uu ku dhexmaray deegaan duleedka ka ah degmada Buulo-Burde ee Gobolka Hiiraan
Dagaalka ayaa yimid kadib markii Xubno ka tirsan Kooxda Macawiisleey ay weerar ku qaadeen deegaan lagu Magacaabo Geedweyn oo ku yaalla duleedka Buulo-Burde,waxaana halkaasi ka dhacay dagaal mudo saacad ku dhow socday,sida uu sheegay mid ka mid ah horjoogayaasha Kooxd Macawiisleeyda.
Maxamed Cali Istakiin oo sheegtay in uu yahay taliyaha Kooxda Macawiisleey ee Gobolka Hiiraan lana soo xiriiray Idaacadda Risaala ayaa waxa uu sheegay in sababta ay weerarka u qaadeen ay tahay,kadib markii xalay ay Al-Shabaab dad ka dileen,waxaana uu sharaxayaa khasaaraha ka dhashay dagaalkaas.
Si kastaba warkaan kasoo baxay horjoogayaasha Kooxda Macawiisleyda ee ku aadan inay weerareen Saldhigyo Al-Shabaab ku leeyihiin deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan ayaa Al-Shabaab dhankooda weli ka hadlin.



