Dagaal u dhaxeeya labo maleeshiyaad Beelood ayaa ka socda Magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose sida ay Risaala u xaqiijiyeen Mas’uuliyiinta Magaalada.
Dagaalka ayaa bilowday xalay , waxaana ilaa iyo saakay Magaaladaasi ka socday dagaal xooggan.
Gudoomiyaha Magaalada Marko Xasan Cumar oo la hadlay Risaala ayaa sheegay in dagaalku uu yahay mid xooggan oo sameyn ku yeeshay Bulshadda.
Sidoo kale Gudoomiyaha ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale maamulka Koonfur Galbeed aysan waxba ka qaban dagaalka Magaalada Marka.
Dagaalkaan dib uga qarxay Marko ayaana walaac xooggan ku beeray Bulshadda.
Magaalada Marka ayaa bilihii lasoo dhaafay waxaa ka dhacayay dagaal beeleedyo saameyn ku yeeshay dadka Magaalada.


