DHAGEYSO: Dadaallo lagu siideynaayo Roobow oo ka socda Muqdisho

Xildhibaano iyo Siyaasiyiin kasoo jeedda degaanada maamulka Koonfur Galbeed ayaa Magaalada Muqdisho ka bilaabay dadaallo kala duwan oo la doonaayo in lagu sii daayo Wadaadka Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur.

Roobow ayaa ku xiran Magaalada Muqdisho, waxaana soo xiray dowladda dhexe ee Soomaaliya ka dib markii uu Baydhabo ka bilaabay Olole ku aadan Musharaxnimadiisa xilka Madaxtinimada Koonfur Galbeed.

Roobow ayaa hadda ku xiran Muqdisho, waxaana soo xiristiisa ka dhashay Banaanbaxyo ay ku dhinten dad badan,kuwaasoo ka dhacay Magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed.