Muqdisho-RisaalaFM- Ugu yaraan 4 ruux ayaa u geeryootay 40 kelana way la idran yihiin cudurka shuban biyoodka oo ka dilaacay Degmada Buur-hakaba ee Gobolka Baay.
Degmada Buur-hakaba oo ah Degmada Soomaaliya ugu tuulada badan ayaa qaar ka mid ah dadkii ku noolaa Degaanadaasi waxa ay u soo barakaceen Magaalada, si loogu fidiyo gar gaar caafimaad.
Ciise Nuur Maxamed waxa uu dhaqtar ka yahay Isbitaal ku yaalla Degmada Buur-hakaba waxa uu Risaala uga warbxiyay cudurka shuban biyoodka ee halkaasi ka dilaacay.
Siid Cali Muuse Maxamed Wariyaha Risaala ee Degaanada Koonfur Galbeed ayaa warbixintan inooga soo diray Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay.


