DHAGEYSO: Dad loo qabtay qaraxyadii degmada Baardheere

Maxamed Welli Yuusuf oo kamid ah saraakiisha ciidamada dowlada Soomaaliya ee magaalada Baardheere ayaa u sheegay idaacada Risaala ee magaalada Muqdisho in qaraxyadii shalay ka dhacay magaaladaasi ay u qab qabteen tiro dad ah, oo lala xiriiriyey in ay qeyb ka yihiin xubnihii soo abaabulay qaraxyada.

Sargaalkaasi ayaa sheegay in iminka laamaha amaanka ay dadkaasi ku wadaan baaritaano ku wajahan ku lug lahaanshiyaha falkaasi oo sida uu sheegay lagu doonayey in lagu dhibaateeyo shacabka ku nool degmada Baardheere.

Kudhawaad 10-qarax oo bartilmaameedka ugu weyn uu ahaa ciidamada Ethiopia ayaa shalay ka dhacay degmada baardheere ee gobolka Gedo inkastoo saraakiishu ay sheegeen in tirada qaraxyada iyo qasaaraha ka dhashay aaney isku mid aheyn.

Sidoo kale Maxamed Welli Yuuruf, ayaa sheegay in lasii daayay qaar kale oo kamid ah dadkii shalay ciidamada ay qabteen, markii dambi lagu waayay, halka qaarkoodna ay wali baaritaano ku socdaan.