Buuhoodle-RisaalaFM- Wararka laga helayo Degaanka Qori-lugu ee Magaalada Buuhoodle ayaa sheegaya in Labo Qof ay u dhinteen cudurka Jadeecada.
Madaxa xogaha iyo Warbixinada Wasaarada Caafimaaka Maamulka Soomaaliland Dr. C/laahi Cabdi Yuusuf oo warbaahinta u waramay ayaa xaqiijiyay jiritaanka warkan.
Waxa uu sheegay Wasaarada Caafimaaka Maamulka Soomaaliland in ay wado Istiraatiijiyad lagaga jawaabayo xanuunada iyo cudurada qaar ee soo wajahay shacabka.
Dr. C/laahi Cabdi Yuusuf Madaxa xogaha iyo Warbixinada Wasaarada Caafimaaka Maamulka Soomaaliland ayaa sidoo kale waxa uu sheegay xanuunka in uu la xiriiro Abaaraha iyo dhibaatada heysata shacabka.
Sidoo kale waxa uu sheegay Wasaarada in ay Daawooyin kula tacaaleyso Qofka ay ku dhacdo Jadeecada, sidoo kalena ay siiso dadka aysan ku dhicin Talaal lagaga hortagayo.


