Muqdisho-RisaalaFM- Culimada Soomaaliyeed ayaa baaq u jeediyay xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ee soo dooran doona Madaxweynaha Soomaaliya, oo Doorashadiisa la filayo in ay dhacdo 8-da Febraayo.
Sheekh Maxamed Idiris oo ka mid ah Culimada Soomaaliyeed kuwooda ugu caansan kuna nool dalka Dibaddiisa ayaa sheegay in Doorahsada lagu wado in ay ka dhacdo Magaalada Muqdisho ay noqoto mid cadaalad ah.
Sheekha ayaa Labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka ee dooran doona Madaxweynaha ugu baaqay in ay ku doortaan karti iyo cadaalad.
Waxa uu sheegay Sheekh Maxamed Idiris in danta gaar ay ka weyn tahay danta guud, isagoona Baarlamaanka ku booriyay in si xaq ah ay ku doortaan Madaxweynaha Soomaaliya.


