Garowe-RisaalaFM- Madaxweynihii hore ee Maamulka Puntland C/raxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole) oo la hadlay warbaahinta ayaa ka hadlay Dagaalka ka socda Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.
Waxa uu sheegay in juhdi walba ay ku bixinayaan sidii loo joojin lahaa colaada ka taagan Magaalada Gaalkacyo, sidoo kalena hada ay wadaan wada hadalo lagu xalinyo colaada Gaalkacyo.
C/raxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole) Madaxweynihii hore ee Maamulka Puntland ayaa sheegay colaada Gaalkacyo in ay saameyn ku yeelan karto Doorashada ka dhaceysa dalka, hadii aan la dhex gelin labada dhinac.
Waxa uu baaq u diray Ciidanka labada dhinac ee ku dagaalamaya Magaalada Gaalkacyo, baaqaas oo ku aadan sidii ay si deg deg ah ugu joojin lahaayeen Dagaalka Gaalkacyo oo dad badan ay ku dhinteen, sidoo kalena ku barakaceen.
Madaxweynihii hore ee Maamulka Puntland C/raxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole) ayaa sheegay in aan la sugi karin, sidoo kalena lagaa aamusi karin dadka ku dhibaateysan Magaalada Gaalkacyo ee ka barakacay Dagaalka.
Faroole ayaa ugu dambeyn Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya ugu baaqay in uu yimaado Magaalada Gaalkacyo si uu uga qeyb qaato wada hadalada lagu xalinyao Maamulada Puntland iyo Galmudug, isagoo sidoo kale sheegay in loo baahan yahay in Magaalada Gaalkacyo lagu qabto shir lagu heshiisiinayo labada dhinac.


