DHAGEYSO: Cosoble “Xaafado ka mid ah Kaaraan & Heliwaa Hirshabelle ayay ka tirsan yihiin”

Muqdisho-RisaalaFM- Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle Cali Cabdulaahi Cosoble ayaa ka hadlay xuduudaha Maamulkiisa uu la wadaago Gobolka Banaadir iyo halka ay ku eeg yihiin.

Cali Cabdulaahi Cosoble, ayaa sheegay xaafaddo ka tirsan Degmooyinka Heliwaa iyo Kaaraan inay ka tirsan yihiin Maamulka Hirshabelle ee fadhigiisa uu yahay Magaalada Jowhar.

Waxa uu sheegay Cali Cabdulaahi Cosoble dad badan oo degan Kaaraan iyo Heliwaa inay isku haystaan inay hoostagaan Gobolka Banaadir, balse aysan hoostagin oo ay si toos ah u hoostagaan Hirshabelle.

Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle wuxuu sheegay Garoonka Diyaaradaha Cisaley iyo Dakadda Ceel Macaan inaysan kuwaasi shaki ku jirin inay ka tirsan yihiin Hirshabelle, hadii lagu soo fara gashtana ay qaadanayaan go’aano cad.

Sida muuqata nidaamka Federalka Somaliya hadda ay ku shaqeyso ayaa laga dhaxli doonaa isqab qabsi xoogan oo ku aadan dhanka xuduudaha, hadii aanan si rasmi ah loo kala cadeyn xuduudaha ay kala leeyihiin Maamulada dalka ka jira.