DHAGEYSO: Cosoble “Keating ayaa Beledweyne imaanaya”

Beledweyne-RisaalaFM- Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Cali C/laahi Cosoble oo warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu sheegay Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan in uu tagayo Wakiilka QM ee arrimaha Soomaaliya Micheal Keating.

Cali C/laahi Cosoble Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle ayaa sheegay dhowr jeer oo hore in ay ka wada hadleen sidii Keating uu u tagi lahaa Beledweyne, oo dadkeeda ay yihiin kuwo isku xiran.

Ujeedka Wakiilka QM ee arrimaha Soomaaliya Micheal Keating uu u tagayo Magaalada Beledweyne ayuu Madaxweynaha Hirshabeelle ku sheegay sidii uu soo ogaan lahaa xaaladaha adag ee ka jira Magaaladaasi, oo ay ugu horeyso Abaarta.

Shalay ayay sheyd markii Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Cali C/laahi Cosoble iyo wafdi uu hogaaminayo ay gaareen Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.