Sh/Dhexe-RisaalaFM- Wararka inaga soo gaaraya Degaanka Ceel-baraf oo ka mid ah Degaanada hoostaga Degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamada Millitariga Dowladda Federaalka ee ku sugnaa degaankaasi ay isaga baxeen, iyada oo aanan la ogeyn sababta keentay arrintaasi.
Saraakiil ka tirsan Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya oo aan xiriir la sameynay ayaa ka gaabsaday in ay faah faahin dheeraad ah ka bixiyaan arrintaasi, iyaga oo sheegay in Degaankaasi ay ka jirto xaalado adag.
Wararka qaar ayaa sheegaya dadkii ku dhaqnaa Degaankaasi in ay mar hore ka barakaceen halkaasi, maadaama Degaanka ay ka jiraan xaalado adag oo ay ugu horeyso Biyo la’aan.
Dad kooban oo ku haray Degaanka ayaa waxa ay sheegeen xaalada ka jirta Degaanka Ceel-baraf in ay tahay mid aan laga hadli karin, maadaama Degaanka uusan waxba dhaamin mid go’doonsan.
Wariyaha Risaala ee Degaanada Hirshabeelle C/raxmaan Cali Deerey ayaa warkan inooga soo diray Magalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeelaha Dhexe.


