Bakool-RisaalaFM- Dowladda Soomaaliya ayaa agab Millitari waxa ay ku wareejisay Ciidanka Dowladda ee ku sugan Deegaanada Gobolka Bakool, kuwaas oo halkaasi ka wada Howlgallo ka dhana ah Shabaab.
Taliyaha Qeybta 60-aad ee Ciidanka Millitariga Soomaaliya ayaa Hub iyo waliba sahnad Millitari waxa uu gaarsiiyay Ciidanka ku sugan Deegaanada Gobolka Bakool.
Gen. Ibraahim Isaaq Yarow oo ah Taliyaha Qeybta 60-aad ee Ciidanka Millitariga Soomaaliya ayaa sheegay Ciidanka Dowladda ee Gobolka Bakool dhowaan in ay bilaabi doonaan Howlgallo ka dhana ah Shabaab.
Ugu dambeyntii Taliyaha Qeybta 60-aad ee Ciidanka Millitariga Soomaaliya Gen. Ibraahim Isaaq Yarow ayaa Ciidanka ugu baaqay in ay u diyaar garoobaan Howlgallo ka dhan ah Shabaab.


