DHAGEYSO: Ciidamo la kala dhex dhigay Maleeshiyaad ku dagaalamaayay Hiiraan

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Ahlusunna oo Saxaafadda la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in ciidamo ay kala dhex dhigeen Maleeshiyaadkii maalmihii lasoo dhaafay ku dagaalamayay Degaanka Baanyaaleey ee gobolka Hiiraan.

Cali Baashi Aadan Faarax ayaa sidoo kale waxaa uu tilmaamay in ay kala durjiyeen Maleeshiyaadkii ishorfadhiyay.

Waxaa uu sheegay in maamulka Ahlusunna ay sameeyeen tilaabo deg deg ah, oo ku aadan dagaaladii maalmihii lasoo dhaafay ka dhacayay gobolka Hiiraan.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa sheegay in Ahlusunna oo kaliya ay kala qaadeen Maleeshiyaadka.

Mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya ayuu ugu baaqay in ay soo farageliyaan arintaan.

Maalmihii lasoo dhaafay ayaa dagaal xooggan oo u dhaxeeyay Maleeshiyaad xoolo dhaqato ah waxaa uu ka socday Degaanka Baanyaaleey ee gobolka Hiiraan.