DHAGEYSO: Ciidamo gacanta ku dhigay Dooni siday Qaad iyo raggii watay

Berbera- RisaalaFM- Guddoomiyaha gobolka Saaxil iyo Taliyaha Ciidnaka Booliska, maamulaha Kastamka magaalada Berbera ayaa maanta ka warbxiiyay Howlgal Ciidamada Booliska gobolka ay xalay ku soo qabteen Dooni siday Qaad Kontoroban ahaan looga soo dejinayay xeebaha Galbeedka gobolka Saaxil.

Howlgalkan ay Ciidamada ku soo qabteen Qaadka ayaa waxaa laga keenay dalka Yemen, sida ay sheegeen masuuliyiinta gobolka, kadib hadal kooban oo maanta ay warbaahinta siiyeen.

Taliyaha Ciidanka Booliska gobolka Saaxil ayaa sheegay in Ciidamada ammaanka ay gacanta ku dhigeen Doonidii Qaadka siday, laba gaari oo Qaadka sugeysay iyo Sideed nin oo howshan gacanta kula jirtay.

Wuxuu kaloo sheegay Taliyaha in ay u digayaan dadka isku dayaya in xeebaha gobolka Saaxil ay Kontorobaan ka sameeyaan, taasina aysan suuragaleyn, maadaama uu sheegay Ciidamada in ay shaqeynayaan har iyi habeen.

Dhanka kale Guddoomiyaha gobolka Saaxil ayaa sheegay in sharciga ay horgeyn doonaan dadka Qaadka sida sharci darada ah uga soo dejinaya xeebaha Galbeedka gobolka Saaxil.