Gudoomiyaha degmada C/Casiis ee gobolka Banaadir Cusmaan Muxyadiin Cali oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in xeebta liido lageeyay ciidamo Boolis ah kuwaas oo loogu talagalay xaqiijinta amaanka iyo dadka shacabka ah ee u soo damaashaad taga xeebta.
Sidoo kale gudoomiyaha degmada C/Casiis ee gobolka Banaadir ayaa sheegay in la isku haleyn karo amaanka xeebta Liido isagoo intaa ku daray in shacabka ay booliska kala shaqeeyaan amaanka.
Dhinaca kale gudoomiyaha degmada C/Casiis ee gobolka Banaadir ayaa sheegay in ay wadaan qorshe ku aadan sidii ay u hormarin lahaayeen amniga degmada.
21-kii bishii January ayay ahayd markii dagaalyahano ka tirsan ururka Al-shabaab ay weerar ku qaadeen Maqaaxi ku taala xeebta Liido.


