DHAGEYSO: Ciidamada Puntland oo gaaray Caluula

Caluula-RisaalaFM- Ciidamada Maamulka Puntland oo isugu jira kuwa Badda iyo dhulka ayaa waxa ay gaareen degmada Caluula ee Gobolka Bari oo ah halka Kooxda dhalinyarada ah ay ku heystaan Markabka.

Kooxda dhalinyarada ah ee Kalluumeysatda ah aya iyaguna waxa ay sameynayaan diyaar garoow ku aadan sidii ay isaga difaaci lahaayeen Ciidanka Puntland.

Waxaa halkaasi ka taagan Xiisad dagaal, Waxaana dhinacba dhinaca kale uu ugu jiraan difaac, Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in ay suurta gal tahay in halkaasi uu ka dhaco dagaal u dhaxeeya Ciidanka Puntland iyo Kooxda Dhalinyarada Kalluumeysatada ah.

Dhankale Qaar ka mid ah Dhalinyaradii soo Afduubatay Markabkii Shalay la geeyay Xeebaha Degmada Caluula ee Gobolka Bari ayaa sheegay in ay doonayaan lacago Madax Furasho ah.

Waxa ay sidoo kale sheegeen in lacag madax furasho la’aan aysan ku deyn doonin Markabkaasi.

Waxa ay sidoo kale sheegeen in ay Afduuban doonaan Maraakiib kale hadii xeebaha Soomaaliya aan laga joojin xaalufinta lagu hayo.

Waxaa ay tilmaameen in ay sii wadi doonaan Afduubka hadii aan si deg deg wax looga qaban dhibaatada lagu haayo.

Markabkan oo lagu magacaabo ARIS, ayaa ka soo amba baxay Magaalada Djibouti, waxaana uu ku sii jeeday Magaalada Muqdisho, iyadoo la rumeysan yahay in ay wadada ka qafaasheen illaa toddobo nin, oo ku hubeysan hubka fudud.

Wararka qaar ee aan heleyno ayaa sheegaya in Shaqaalaha saaran Markabkaasi ay gaarayaan 7 ilaa 10 Nin.

Markabkan ayaa waxa uu ka diiwaan gashan yahay Dalka Emirate-ka Carabta, Waxa uuna wataa Calanka Sirilaanka.