DHAGEYSO: Ciidamada Nabad Sugida oo Caawa labo Wariye ku xiray Muqdisho

Ciidanka Dowladda Soomaaliya ayaa caawa xiray laba wariye ka tirsan idaacadda Shabeele ee magaalada Muqdisho.

Gudoomiyaha Idaacadda Shabelle Cabdimaalik Yuusuf Maxamed oo la hadlay idaacadda Risaala ayaa xaqiijiyay xariga loo geystay laba wariye oo kala ahaa Cali Axmed Cabdule Cali Soomaali iyo Maxamed Aadan Onkod.

Gudoomiye Shabeelaha ayaa dowladda Soomaaliya ka codsaday in xoriyadooda ay siiso laba wariye oo hada ku xiran xarunta sirdoonka Qaranka.

 

nm nb