DHAGEYSO: Ciidamada Koonfur Galbeed oo gacanta ku dhigay Hub

Ciidanka dowladda Soomaaliya ee ku sugan degmada Diinsoor ee gobolka Baay ayaa gacanta kusoo dhigay hub ay la hayeen Xarakada Al-Shabaab.

Gudoomiyaha degmada Diinsoor Ibraahim Maxamed Aadan oo la hadlay idaacadda Risaala ayaa sheegay in ciidanka dowladda Soomaaliya ay weerar ku qaadeen dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugnaa deegano hoos yimaada degmada Diinsoor.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in Al-Shabaab kafurteen hub aad u farabadan oo ay ku waxyeelayn jireen bulshada kunool deegaanada hoos yimaada degmada Diinsoor.

Ugu dambeyntii gudoomiyaha degmada Diinsoor ayaa sheegay in ciidanka dowladda Soomaaliya ay si wadi doonaan howlgalada ay kula dagaalamayaan Xarakada Al-Shabaab.