DHAGEYSO: Cabdiwali Muudey “Dastuurkii saxda ahaa waa la xaday”

Abdiwali Sheikh Ibrahim Mudey, addresses House of the People and journalists after he was declared winner in the race for the First Deputy of the Speaker of the House of the People of the Federal Parliament in Mogadishu, Somalia on January 12, 2017. UN Photo / Omar Abdisalan

Kusimaha Gudoomiyaha Golaha Shacabka Cabdiwali Sheekh ibraahim Muudey ayaa waxa uu sheegay in hadda dowladda Soomaaliya aysan ku shaqeyn dastuurkii ay meelmariyeen Odayaasha dhaqanka ee loogu tala galay in dalka lagu maamulo.

Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha shacabka waxaa uu sidoo kale tilmaamay in dastuurka hadda ay ku shaqeyso Dowladda Soomaaliya uusan ahayn dastuurkii ay ansixiyeen Ergada Soomaaliyeed, islamarkaana Midkii Saxda ahaa la xaday.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in dastuurkii hore uu ahaa mid ay maalgaliyeen dalalka Shisheeye, islamarkaana ay hadda ay muhiim tahay in la helo dastuur ay yeelato dowladda Soomaaliya.

Gudoomiyaha Guddiga dastuurka labada aqal Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayuu ugu baaqay in uu ka shaqeeyo sidii loo heli lahaa dastuur Saxan.

Muudey ayaa sheegay in hadda dowladda Soomaaliya ay dhaqaale iyo maskax ahaan awooddo in ay sameyso dastuur Soomaaliyeed.