DHAGEYSO: Cabdiraxmaan Cirro” Waxaa codeeyay dad geeriyooday”

Musharraxa madaxtinimada xisbiga Waddani ee Somaliland, Cabdiraxmaan Cirro ayaa ku dhawaaqay in aysan aqbali doonin natiijada doorashadii madaxtinimada ee 13-ki bishan November ka dhacday Somaliland.

Cabdirraxman Cirro ayaa sheegay in doorashada ay ku gaddaamantahay madmadoow fara badan badan, taasoo dhalisay buu yiri musuq-maasuq iyo ku shubasho baahsan oo ka dhacday dhamaan meelihi ay ka dhacday doorashada  Somaliland.

Musharraxa xisbiga Wadani, ayaa ku eedeeyay maamulka Somaliland in ay xireen qaar ka mid ah mas,uuliyiinta iyo taageerayaasha xisbigiisa.

Waxaa uu sheegay in doorashadda Somaliland ay codeeyeen dad dhintay.