Dhageyso:-Booliska Koonfur Galbeed oo ka hadlay Amarkii Al-Shabaab

Taliyaha Ciidanka Booliska Maamulka Koonfur Galbeed Korneel Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo maalnahaan safar ugu maqnaa wadanka Turkiga ayaa Maanta dib ugu laabtay Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay, isaga oo ka hadlay amarkii dhawaan kasoo baxay Al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa dhawaan u yeeray Ergadii soo dooratay Xildhibaannada Golaha Shacabka,iyaga oo sheegay inay galeen dambi,isla markaana loo baahan yahay inay ka laabtaan.

Waxaa uu sheegay taliyaha in Shabaab ay mar walba cabsi geliyaan dadka Shacabka,sidoo kalena ay doonayaan inay dhibaateeyaan,waxaana uu sheegay in marnaba aan laga aqableyn.

Ergada loo yeeray ayuu sheegay in badankood ay diideen,waxaana uu ugu baaqay inay hubka qaataam,isla markaana Booliska Koonfur Galbeed ay garab taagan yihiin.

Hoos Ka Dhageyso Codka Taliyaha Ciidanka Booliska Maamulka Koonfur Galbeed.