Maamulka Degmadda Buulo Burde ee gobolka Hiiraan ayaa sheegay in magaaladaasi markii ugu horeeysay loo sameeyay ciidamo boolis ah oo ka qeyb qaadan doono sugida amniga.
Gudoomiyaha maamulka degmada Buulo burde Cabdi daahir Guure ayaa sheegay in ciidamadaan Booliska ah oo tiradoodu gaaraysa 30 askari ay ka qeyb qaadan doonaan suggida amniga degmadaasi,maadaama aysan waqtigaan degmadaasi aysan ka jirin ciidamo boolis ah oo shaqeeya.
Waxa uu intaa kusii daray gudoomiyaha in tiradda ciidamadaan booliska ah in la sii kordhin doona,balse tani ay u tahay mid mid bilow ah
Degmada buulo burde sanadii ugu dambeeyay waxaa nabad galyadeeda gacanta ku haayay ciidamo ka socda howlgalka midowga Africa Soomaaliya ee Amisom,gaar ahaan ciidamo ka socda dalka Jabuuti.
Al Shabaab ayaa go’doomiyay Magaaladan, waxaana ay joogaan duleedyada Degmada Buulo burde.



