Baydhabo-RisaalaFM- Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay waxaa maanta lagu soo gaba gabeeyay Barnaamijka Isla xisaabtanka Koonfur Galbeed iyo shacabkeeda, kaasi oo soo bilowday Axadii ina dhaaftay.
Xiritaanka Barnaamijkan ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweyne Shariif Xasan, Guddoomiyaha Baarlamaanka C/qaadir Shariif Sheekhunaa Maye Wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan Maamulkaasi, Dadweyne kala duwan iyo marti sharaf kale.
Wasaaradda Warfaafinta Koonfur Galbeed oo la heyd qaban qaabada Barnaamijkan Wasiirkooda Ugaas Xasan Cabdi Maxamed ayaa ugu horeyn dhammaan dadka ka soo qeyb galay Barnaamijkan waxa uu warbixin ka siiyay qaabka uu u socday iyo waxyaabaha laga bartay, isgaa oo sheegay in waxyaabo uu ka bedeli doono Maamulkaasi.
Guddoomiyaha Baarlamaanka C/qaadir Shariif Sheekhunaa Maye ayaa u mahadceliyay dhammaan intii suura gelisay Barnaamijkan, isaga oo sheegay in la qaban doono Barnaamijyo nuucaan oo kale ah, maadaama ay isla xisaabtamayaan Maamulka iyo shacabka.
Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ugu dambeyntii hadalka qaatay ayaa ammaanay Ciidanka ammaanka oo ka hortagay Arbushaad dhacda inta uu socday Barnaamijkan.
Waxa uu sidoo kale sheegay Madaxweyne Shariif Xasan wax badan in la isweydiiyay, wax badan la qabtay, sidoo kalena ay dhiman yihiin waxyaabo kale, wuxuuna sheegay muhiim in ay tahay in la isla xisaabtamo.
Barnaamijka Isla xisaabtanka Koonfur Galbeed iyo shacabkeeda ayaa intii uu socday waxaa si toos ah looga baahinayay Warbaahinada ku yaalla Magaalada Baydhabo iyo Baraha bulshada, waxaana Barnaamijkan uu yahay mid dhaxal gal u ah Koonfur Galbeed.


