Waa Jawaahir Baar qab oo ah Gudoomiyaha Haweenka gobolka banaadir Waxa ay boqolaal dadweyne banaanbaxayaal ah ka hor sheegtay in badda Soomaaliya aysan gorgortan gelin Karin.
Banaanbaxa ayaa waxaa ka qeyb galay Masuuliyiinta sare ee Maamulka gobolka Banaadir iyo boqolaal dadweyne ah oo ka kala yimid degmooyinka gobolka Banaadir.
Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa sheegay in shacabka gobolka aysan aqbali doonin Kenya ay damacdo badda Soomaaliya.
Waxa uu sheegay in ay diyaar u yihiin in ay la dagaalamaan cid walbo oo ku soo xad gudubka sida uu sheegay badda iyo dhulka Soomaaliya.
Sidoo kale Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa sheegay in dadaal dheer iyo waqti ay ku bixinayaan helida xuquuqda shacabka gobolka Banaadir ee aqalka sare ee Baarlamaanka.
Waxa uu sheegay in shacabka gobolka Banaadir iyo siyaasiyiintooda ay ku dadaalayaan sidii ay u heli lahaayeen xuquuqda ay ku leeyihiin aqalka sare ee Baarlamaanka.


