DHAGEYSO: Ballaarin lagu sameynaayo Dekedda Boosaaso

Wasiirka Wasaarada Dekedaha iyo gaadiidka badda ee Maamulka Puntland Saciid Maxamed Raage ayaa sheegay in uu socdo qorshe lagu balaarinayo dhismaha Dekeda Magaalada Boosaaso.

Wasiirka ayaa sheegay in ay Dekeda Magaalada Boosaaso ka dhigayaan sida dekedaha Caalamka oo kale isla markaana si casri ah loo balaarin doono.

Waxa uu beeniyay wararka sheegaya in la burburinayo guryaha ku yaalla Xaafadaha u dhaw dekedaha Magaalada Boosaaso.

Waxa uu tilmaamay in aysan marnaba dhibaateyn doonin shacabka degan hareeraha Dekeda Magaalada Boosaaso.

Puntland ayaa heshiis la gashay Shirkada DP World oo laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta, waxaana hadda socda qorshaha Ballaarinta Dakadda Magaalada Boosaaso oo heer caalami laga dhigi doono.