Muqdisho-RisaalaFM- Xildhibaan Cusmaan Cilmi Boqore Gudoomiyaha Gudoomiyaha KMG ah ee Baarlaanka cusub ee Soomaaliya ayaa waxa uu sheegay in uu rajo ka qabo in ay hirgeliyaan Doorashada Gudoonka Baarlamaanka iyo mida Madaxweynaha.
Waxa uu sheegay Doorashada Gudoonka Baarlamaanka iyo mida Madaxweynaha in ay ku dhici doonto qaab cadaalad ah oo aan Musuq maasuq laheyn.
Gudoomiyaha KMG ah ee Baarlaanka cusub ee Soomaaliya Cusmaan Cilmi Boqore ayaa waxa uu sheegay in Baarlamaanka dhexdiisa dhowaan uu magacaabi doono Guddiyo Doorasho, kuwaas oo ka imaanaya Baarlamaanka dhexdiisa.
Gaba gabadii Xildhibaan Cusmaan Cilmi Boqore Gudoomiyaha Gudoomiyaha KMG ah ee Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya ayaa waxa uu sheegay waqtiga ay dhaceyso Doorashada Madaxweynaha in ay cadeyn doonaan Baarlamaanka Soomaaliya, marka ay yeeshaan kulankooda ugu horeeya.


