Dhawaan waxaa dagaal Beeleed khasaaro dhimasho iyo dhaawac geystay uu ka dhacay deegaan lagu Magacaabo Ina Diideey oo ku yaalla duleedka degmada Afbarwaaqo ee Gobolka Mudug,waxaana isa-soo taraya baaqyada loo jeedinayo maleeshiyaadka ku dagaalamay deegaano ka tirsan Mudug.
Kulan ay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta gobolka Mudug ku yeesheen, Odayaal,Siyaasiyiinta Xildhibaano ka tirsan golaha Shacabka ayaa waxaa ay kulanka kaga hadleen colaada halkaasi kasoo cusboonaatay, iyaga oo ku baaqay in xal laga gaaro.
Xildhibaan Cabdi Kariin Khaliif Dhalac oo kamid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa sheegay inay aad uga xun yihiin Colaada kasoo cusboonaatay deegaano ka tirsan gobolka Mudug,waxaana uu sheegay in dagaal khasaaro mooyaane uusan wax faa’iido ah soo kordhineyn.
Maleeshiyaadka dagaalka uu ku dhex-maray Bariga Gobolka Mudug ayuu ugu baaqay inay colaada joojiyaan,isla markaana wax walba wada-hadal ay ku dhameeyaan,isaga oo sheegay inay kaalintooda ka qaadan doonaan.
In kastoo xilligaan uusan wax dagaal ah ka jirim deegaankii lagu dagaalamay ee Ina Diideey duleedka degmada Afbarwaaqo ayaa hadana dadka deegaanka ay baqdin muujinayaan maadaama ay weli ishor-fadhiyaan maleeshiyaadkii dagaalamay,waxaana dagaalkii dhacay ku geeriyooday 17 Ruux halka dhaawacuna uu intaasi ka badan yahay.