Madaxweynaha maamulka Jubbaland ayaa magaalada Kismaayo kula kulmay saraakiil ka tirsan midowga Africa iyo AMISOM kuwaasi oo maalmahaan ku sugnaa magaalada Kismaayo.
Kulanka madaxweyne Axmed Madoobe uu la qaatay saraakiisha AMISOM ayaa diirada lagu saarayay howlgalka ciidamada AMISOM ay ka wadaan deegaanada Jubbaland iyo howlgaka dhawaan la filayo in laga bilaabo Jubbada Dhexe.
Saraakiisha uu la kulmay Axmed Madoobe ayaa waxay ka socdeen dalalka Ethiopia iyo Kenya oo ciidamo ay ka joogaan dalka Soomaaliya, waxaana uu u sheegay in muhiim ay tahay in Alshabaab laga saaro deegaanada jubbooyinka.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in ciidamada Jubbaland iyo AMISOM muddooyinkii ugu dambeeyay ay yareeyeen howlgalka ka dhanka ah Alshabaab, waxaana la isweydiiyay waxyaabaha keenay, sida uu sheegay Axmed Madoobe.
Todobadkaan magaalada Kismaayo waxaa ka dhacay kulamo kala duwan oo dhanka amaanka ah, waxaana qorshah uu yahay sidii loo qaban lahaa deegaanada Jubbada Dhexe.


