DHAGEYSO Axmed Madoobe oo fariin u diray shacabka Kismaayo

Maamulka Jubbaland ayaa si cad u sheegay in lala wareegayo dhamaan goobihii waxbarashada ee ku yaala magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, halkaasi oo dad ay deegaansadeen.

Isaga oo saxaafada la hadlayay ayuu sheegay in maamulkiisa uu ka dhabeynayo balanqaadkii ahaa in dib loo dayactirayo dhamaan xarumaha waxbarashada ee ku yaala magaalada Kismaayo.

Wuxuu sheegay in dadka deegaanka Kismaayo looga baahan yahay iney baneeyaan dhamaan goobaha waxbarashada si dayactir loogu sameeyo.

“waxaa la doonayaa inaad baneysaan goobaha waxbarashada annaga oo aan idiin imaan, ma dhiceyso in goobaha waxbarashada dad ay iska degenaadaan”ayu yiri Axmed madoobe.

Hishiis ay dhawaan kala saxiixdeen midowga Yurub, dowlada Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland ayaa dhigay in dib u dhis lagu sameeyo xarumaha waxbararashada ee Kismaayo.