Dhageyso: AU-IBAR iyo Wasaaradda Xanaanada Xoolaha DFS oo dood cilmiyeed ku saabsan cuntada iyo calafka Xoolaha ku qabtay Naivasha

Madax qaybta cuntada iyo calafka xoolaha ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dr. Mowlid Abdullahi Dahir ayaa Warbaahinta Risaala uga warbixiyey kulanka iyo sababaha loo qabtay.

Mr. Mowliid ayaa sheegay in shirkaan muhiimadda loo qabtay ay tahay in lagu hormariyo wax soo saarka cuntada iyo calafka Xoolaha. Waxaa kale oo uu sheegay in shirkaan lagu dhisay madal ay ku midaysanyihiin qaybha ay quseeyaan wax soosaarka cuntada iyo calafka xoolaha laguna foortay guddi ka kooban 9xubnood oo maamuli doona madashaas.

Halkan hoose ka dhegayso wareysiga Madaxa wax soo saarka ee wasaaradda Xanaanada Xoolaha DFS Mowliiid Cabdullahi: