DHAGEYSO: Arday ka qalin jebisay Iskuulka Al-mustaqiim “SAWIRRO”

Muqdisho-RisaalaFM- Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya maanta waxaa Munaasabad Qalin jebin ah loogu qabtay Arday ka qalin jebisay Iskuulka Al-mustaqiim Educational Academy (ALEDA) oo ku yaalla Degmada Dharkeynley.

Ardayda maanta qalin jebisay ayaa tiradooda waxa ay gaareysaa ku dhowaad 40 Arday, kuwaasi oo bartay Caafimaadka, Saxaafadda iyo Computerka, waxayna isugu jireen Wiilal iyo Gabdho.

Guddoomiyaha Guud ee Iskuulka Al-mustaqiim Educational Academy (ALEDA) Abshir Muumin Maxamed (Ayman) ayaa faah faahin kooban ka bixiyay Taariikhda Isuulka iyo Ardada maanta qalin jebisay.

Dhanka kale qaar ka tirsan Ardada maanta qalin jebisay ayaa waxa ay sheegeen in ay ka mira dhalin doonaan waxyaabaha ay barteen, ayna sii wadi doonaan.

Munaasabadan qalin jebinta ah ayaa kuwa kale waxa ay ugu duwaneyd in Ardada qaar ay Macalimiintooda ku Abaal mariyaan Kitaabka Qur’aanka, taasi oo ah wado ku dayasho mudan.

 

Sawir Qaade:- Abdirashiid Ali Dubbad Gacal

m m1 m2 m3 m4 m5 m6 m7 m8 m10 m11