DHAGEYSO: Arday araga naafo ka ah oo baaq u diray DFS

27 Arday oo araga naafo ka ah kuwaa oo sanadkaan ka qalin jabinaya fasalka afaraad ee dusiga sare oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa waxa ay baaq u direen dowladda Soomaaliya.

Kulanka ayaa waxa kala soo qayb galay xildhibaano ka tirsan labada gole ee baarlamaanka, madax ka socotay qaar kamid ah jaamacadaha ku yaala magaalada muqdisho, daladaha waxbarashada dalka qaarkood, madax ka socotay iskuulada ay dhigtaan ardaydaan iyo waalidiin.

Halkaan hoose ka dhageyso Warbixin xog badan xambaarsan oo uu wariyaha Risaala Cali Xasan Cali inooga diyaariyay warkaani.