DHAGEYSO: Amniga Muqdisho oo xalay laga shiray

kulan looga hadlaayay sugitaanka  goobaha ay ka dhacaayaan doorashooyinka ayaa xalay lagu qabtay Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.

Kulanka Waxaa ka soo qeyb galay Taliyeyaasha Ciidamada Booliiska, Nabad Sugida, Asluubta, Maamulka Gobolka Banaadir iyo Saraakiisha kale ee loo xil saaray Sugida amniga goobaha ay ka dhacayaan doorashooyinka.

Kulanka ayaa waxaa intiisa badan diirada lagu saaray sidii loo xoojin lahaa amaanka Muqdisho oo Maanta ay ka bilaabaneyso doorasho.

Waxaa sidoo kale kulanka loogu hadlay sidii ay u wada shaqeyn lahaayeen shacabka Muqdisho ,Saraakiisha iyo Ciidanka loo xil saaray sugida amaanka Muqdisho.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir C/fitaax Cumar Xalane ayaa sheegay in la adkeyn doono Ammaanka Muqdisho inta ay socdaan doorashooyinka