DHAGEYSO: Ammaanka Baledweyne oo si weyn loo adkeeyay

Ciidamada dowladda ayaa si wayn u adkeeyay ammaanka Magaalada Baledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan, iyadoo laga feejigan yahay weeraro Al Shabaab ay ka gaystaan Magaaladaasi Baledweyne.

Ciidamada dowladda ee ku sugan Koontaroolada laga soo galo Magaalada Baledweyne ayaa kordhiyay baarista ay ku sameynayaan gaadiidka galaya Magaalada gudaheeda, si uusan koontaroolka u marin gaari ay ka buuxaan waxyaabaha qarxa.

Gudoomiye  ku xigeenka dhanka ammaanka iyo siyaasadda Xuseen Cismaan Muumin, ayaa wuxuu dhankiisa sheegay Shabaab mar kasta inay isku dayayaan inay dhibaatooyin ka gaystaan Gobolka Hiiraan.

Ciidamada dowladda ayaa wuxuu amray inay heegan buuxa galaan si looga hortagga falalka Shabaab ay doonayaan inay ka gaystaan Magaalada Baledweyne.

Shabaab ayaa dhawr mar qaraxyo Ismiidaamin ah waxa ay ka fuliyeen Magaalada Baledweyne, halkaasi oo ay ku dileen dad badan oo shacab ah.