DHAGEYSO: Amaro lagu soo rogay shacabka Baay

Baydhabo-RisaalaFM- Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Baay Korneel Mahad C/raxmaan Aadan ayaa sheegay in Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay ay ku soo wajahan yihiin dad uu ku sheegay in ay qash qashaad ku sameyn rabaan ammaanka.

Korneel Mahad C/raxmaan Aadan Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Baay ayaa sheegay in laga hortagi doono cid walba oo qal qal gelineysa ammaanka Magaalada Baydhabo.

Waxa uu baaq u diray dadka kulamada ku qabsada Magaalada Baydhabo, si loola socdo, loogana feegijnaada kooxaha ku soo kor gamabada dadkaasi, isagoo shacabka ugu baaqay in ay la shaqeeyaan Ciidanka ammaanka si looga hortago ragga falalka amni daro geysta.

Wariyaha Risaal ee Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay Siid Cali Muuse Maxamed ayaa warkan inoo soo diray.